Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta wareejiyey lacagtii loogu talogalay fatahaadda magaalada Beledweyne ee kasoo gaartay dowladda Federaalka iyo dalka Jabuuti.
Lacagtan oo muddo dheer ay gacanta ku heysay dowladda Federaalka, balse ay fasaxday markii qeylo dhaan ka timid Guddiga Fatahaadda Baledweyne ayaa gaareysa 1,140,000 (Hal Milyan, Boqol iyo Afartan kun Doolar).
Munaasabad ka dhacday Magaalada Beledweyne ayaa Madaxweyne Waare Lacagtaasi ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne, iyadoo ay wareejinta goob oog ka ahaayeen xubno ka tirsan Maamulka Hirshabelle, qeybaha Bulshada Beledweyne sida Odayaasha Dhaqanka.
Lacagta uu maanta wareejiyey Madaxweyne Waare ayaa u kala baxda
$600,000 – oo ay ku deeqday Dowlada Jabuuti
$500,000 – oo ay fatahaadda u qoondeysay Dowlada Federaalka Soomaaliya
$40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran.



