Sunday, January 26, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta ka tegaya Beledweyne iyo Hubanti la’aan hareysay kuraastii..

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka tegaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib muddo bil ka badan ku sugnaa halkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa wararku sheegayaan inuu fadhigiisa magaalada Jowhar ku laaban doono, isagoo dhammeystiri doona kuraasta ku harsan magaalada Jowhar oo ay ku jiraan qaar aad u dag oo ay beelo isku heystaan, gaar ahaan kuraasta beesha u ukasoo jeedo Madaxweynaha Hirshabeeele.

Muran iyo khilaaf ka dhashay doorashada 11-ka kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa keenay in dib loo sii dhigo doorashada kuraastaasi, waxaana hubanti la’aan sii noqoneysa sida kuraastaasi loogu qaban karo magaalada Beledweyne.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ee Beledweyne ayaa sheegaya inay socdaal shirar ku saabsan in xal loo helo xaaladda ka taagan Doorashada Beledweyne oo lagu doonayo in safarka looga hakiyo Cali Guudlaawe.

Guddiga Doorashada Hishabeelle ayaa sidoo kale Jowhar ku wajahan, iyagoo isu diyaarinaya qabashada Doorashada kuraasta ku harsan magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON