Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle ee xilka sii hayey, isagoo magacaabay wasiir si KMG ah xilka u heynaya.
Wareegto kasoo baxay Cali Gudlaaw ayaa xilkii looga qaaday Cabdishakuur Maxamed Xasan oo ahaa wasiirkii Maaliaydda Hirshabeelle, iyadoo si kumeelgaar ah xilka Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle loogu Magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere).
Xil ka qaadistan ayaa lagu sheegay inay timid kadib baahida loo qabo in dardar geliyo Wasaaradda Maamuliyada. Maamulka Hirshabeelle ayaan lahayn Gole Wasiiro oo ay ahayd inuu soo dhiso madaxweynaha cusub, waxaana weli shaqeeya golihii hore.

