Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto kasoo baxday xafiisiisa Xilkii ugaa qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Xil ka qaadista Cai Jeyte ayaa sabab looga dhigay talo soo jeedin ka timid Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo baahida loo qabo dardar gelinta maamulka Hirshabeelle in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.
Xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Xil ka qaadista Cali Jeyte oo muddo hore la filayay ayaa dib loogu dhigay culeyso badan oo siyaasadeed, waxaana markii ay soo baxday ka dhashay hadal-heyn badan oo dadka qaarkood ay ka hor yimaadeen.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka mida La-taliyeyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in Alshabaab ay lacag ku bixineyso in xilka laga qaado Cali Jeyte.