Madaxweynaha Maamulka Hirshabeella ayaa soo saaray maanta wareegto uu ku magacaabo wasiir cusub oo ka mid noqonaya Golaha wasiirada maamulkaasi ee faraha badan.
Wasiirka cusub ee la magacaabay ayaa ah Wasiirka Axmed Sheekh Nuur Cabdi, waxaana loo magacaabay Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Hirshabelle, halka wasiir ku xigeenka loo magacaabay Xuseeen Maxamed Tuuryare.
Cali Guudlaawe ayaa magacaabista wasiirkan cusub ku sheegay inay timid kadib markii uu arkay baahida loo qabo wasaaradan cusub oo lagu soo kordhiyay maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa hore u magacaabay wasiiradii ugu badnaa maamul Goboleedyada Soomaaliya oo gaaraya 80 xubnood, waxaana weli socda kororka wasaaradaha maamulkaasi oo intiisa badan aan wax shaqo ah qaban.