Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eryay afar wasiir oo ka mida maamulkiisa, isagoo magacaaabay kuwo cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo isku shaandheyn kooban lagu sameeyay xukuumadda maamul Goboleedka Hirshabelle.
Wasiirada xilka laga qaaday aya kala ah: Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Waxbarashada iyo barbaarint, Biyaha iyo Tamarta; Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo wasiir ku xigeenka Dastuurka.
Waxaa wasiirada cusub ee xilalkan loo magacaabay ay kala yihiin:
1- Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah: Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur
2- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga: xildhibaan Maxamed Cabdi Cali
3- Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaraarinta: Cabdulaahi Abuukar Xuseen.
4- Wasiirka Biyaha iyo Tamarta: Saalax Maxamed Xasan
5- iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka oo loo magacaabay xildhibaan C/naafac Macalin Rashiid.
AKHRISO WAREEGTADA
