Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa baaq degdega kasoo saaray Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Webigu Shabeelle ku fatahay.
Cali Guudlaawe oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeeray Buundada Nuur-Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo ay ka barakaceen dadkii ku noolaa.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa booqday degaanka Ceeljaale oo ay ku sugan yihiin dadkii ka baraka kacay Magaalada Beledweyne, wuxuuna shaaciyay inay magaalada ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd oo keenay barakac, dadka qaarkoodna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha.
Wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka inay si degdega u gurmadaan shacabka magaalada Beledweyne oo ay fatahaadaha Wabiga Shabeelle saameysay.