Saturday, January 25, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddiga Doorashada oo Dib ugu laabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe iyo Wafdi la socda ayaa goordhow Gaaray Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Wafdiga Madaxweyne Guudlaawe waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-shabeelle Mahad Xasan Cismaan Xubno kamid ah Labad Gole ee Maamulkaas iyo xubmaha Guddiga Doorashada SEIT Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Hirshabelle uu Jowhar ka bilaabi doono dhammeystirka Doorshada kuraasta ku harsan magaaladaasi, kadib markii lasoo gabagabeeyay doorashadii ka socotay magaalada Beledweyne.

Ad

Cali Guudlaawe ayaa magaalada Beledweyne ku sugnaa laga soo bilaabo 6-da Bishii Febraayo 2022, markii sanad ka badan laga hortaagnaa, wuxuuna ku guuleystay inuu xaliyo khilaafkii ka dhashay Doorashadiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON