Monday, February 10, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo Guddi u magacaabay baarista Kiiska dilkii Sheekh caan ahaa

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay Guddi soo baaraya kiiska afduubka iyo dilka sheekhii caanka ahaa ee Sheekh Cali Axmed Faarax.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culimada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Xubnaha Guddiga la magacaabay waxay kala yihiin:-

Ad

1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)

2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)

3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)

- Advertisement -

4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)

6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin)

- Advertisement -

Magacaabista guddigaan ayaa imaaneysa, iyadoo dilka sheekha uu xaalad kacsan ka dhaliyey Gobolka Mudug ayna arrintan magaalada Gaalkacyo u tageen Axmed Qoorqoor iyo Taliye ku xigeenka Booliska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON