Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa shaaciyey inuu xiriirka u jaray dowladaha Yuhuudda iyo Mareykanka, kadib “Heshiiskii Qarniga” ee madaxweynaha Mareykanka ku dhawaaqay.
Isagoo ka hadlyey kulan degdeg oo wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ku yeesheen magaalada Qaahir ayuu Madaxweynaha Falastiin shaaca ka qaaday inuu joojiyey dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeyntii amni ee maamulkiisu la lahaa Israa’iil iyo Mareykanka.
Wuxuu sheegay inuu hore xiriirka ugu jaray maamulka Madaxweyne Trump sanadkii 2017 markii ay Qudus u aqoonsatay caasimadda Isra’el, balse uu jiray xiriir ay la leeyihiin wakaalada Sirdoonka Mareykanka CIA oo ay iska kaashanayeen argagixiso la-dirirka, isagoo ogeysiiyey dowladda Yuhuudda inay qaadato waajibaadkeeda maadaama ay tahay dowlad gumeysi oo dhulka Falastiin heysata, ayna u jareen xiriirkii oo uu ku jiro iskaashigii Amniga..
Maxmuud Cabbaas wuxuu xaqiijiyey inuu diiday Qoshaha Nabadda ee Madaxweyne Trump, kuna gacan seyray inuu telefoonka ka qabto, isagoo si cad u sheegay inuu geeri ka xigo inuu aqbalo qorshahaasi. “Taariikhda igu qori meyso inaan iibiyey Qudus.. Qudus waa caasimadda Falastiin weligeed..” ayuuna yiri.