Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid dib u soo laabashadii la filayay in dowladda Eritrea ku soo laabato xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD oo la qorsheeyay inay maanta dhacdo.
Wafdiga Eritrea oo uu la filayey inuu hoggaamiyo madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki ayaan imaan madasha shirka oo ka baaqsaday sababo aan la shaacin dartood. Mana jiro wax war ah oo ka soo abxay dowladda Eritrea iyo madaxda dalalka IGAD oo ku saabsan arrintan .
Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim ayaa laga soo xigtay inuu yiri “Waa arrin waqti uun ku xiran. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo”, waxaana shir madaxeedkii IGAD la soo gabagabeeyay goor dhow.
Waxaa shirka lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah ay oo saxiixeen madaxweyanaha South Sudan Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar, kaasoo lagu soo afjarayo 5 sano dagaal sokeeye uu waddankaas ka socday.
Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid noqon doono shan madaxweyne ku xigeen.