Monday, February 10, 2025

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka oo amray Deeq Degdeg oo la siinayo Soomaaliya [Akhriso]

Madaxweynaha dowladda Imaaraadka Carabta  Sheekh Khaliifa Bin Zayid Al-nahyan ayaa Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka amray inay kaalmo ballaaran la gaarto Soomaaliya.

Amarkan ayaa lagu sheegay in lagu dhaqaaqayo olole balaaran loogu magac darray : “لأجلك_يا_صومال” kaasoo loogu gargaarayodadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo gaajadu haleeleen.

Madaxda Imaaraadka oo wadajira ayaa sheegay inay Soomaaliya mareyso xaalad adag ayna mas’uuliyad bani’aadnimo ka saaran tahay wax ka qabashada xaaladda ka dhaca dalalka ay saaxiibada iyo walaalaha yihiin.

Ad

Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa lacag gaareysa 100 Milyan oo Dirham ugu qoondeysay gargaarka loo fidinayo Soomaaliya, iyadoo olole lagu ururinayo lacagtaasina uu ka bilowday Imaaraadka.

Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo uu dalkaasi socdaal rasmi ah ku joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON