Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa tegay degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeelle oo xuduud la leh Gobolka Hiiraan.
Socdaalka Madaxweyne Cagjar ayaa ahaa dhiirrigelin iyo guubaabin ciidamada Deegaanka ee dagaalka la galay Alshabaab, isagoo ka dhageystay xaaladda Gobolka iyo maleeshiyada Alshabaab ee gudaha u galay degaanka Feerfeer.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya iyo kuwa degaanka Soomaalida ay ka guuleysteen weerarkii uu soo qaaday Ururka Al-shabaab.
Wuxuu sheegay in weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday dalka Itoobiya iyo xilliga uu ku soo beegmay ee xaaladda gobolka marka la eego in diyaar garow badan loo baahan yahay. “Qorshihi Al-Shabaab ay lahaayeen waan fashilinnay” ayuu yiri Mustafe Cagjar oo xilligaas ku sugnaa Feerfeer.







