Madaxweynaha cusub ee Puntland Sciiid C/llaahi Deni ayaa maanta hortegay Golaha Wakiilada Puntland, isagoo hordihay codsi ku saabsan muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu soo magacaabayo Golaha Wasiiradiisa.
Madaxweyne Deni aya baarlamaanka Puntland u sheegay in arrimo xulitaan iyo amni ay keeneen inuu u baahdo waqti dheeraad ah, wuxuuna codsaday in muddo laba toddobaad ah loogu daro waqtiga uu qorayo Dastuurka Puntland oo ah in Golaha Wasiirada lagu magacaabo muddo 21 maalmood ah.
Baarlamaanka Puntland ayaa ogolaaday waqtiga uu codsaday madaxweyne Deni, waxaana uu hadda heystaa saddex toddobaad ilaa bartahama bisha Febraayo 2019.