Sunday, April 27, 2025

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo xafladda dhaarintiisa ku saxiixi doona 5 Wareegto (Fursad Soomaalidii..)

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo 20-ka bishan Janaayo 2021 Duhurnimada loo dhaarin doono, ayaa la shaaciyay inuu tallaabooyin waaweyn oo degdeg qaadi doono isla marka uu xilka qabto, isagoo saxiixi oono Wareegtooyin badan oo lagu burrinayo sharciyo uu hore u soo saaray Donald Trump.

Sida laga soo xigtay Xogheynta Joe Biden waxaa shaqada ugu weyn ee hortaalla Madaxaweynaha cusub ay tahay la-tcaaailadda cudurka Coronavirus, kaasoo dhibaato weyn ku haya dalka Mareykanka, kuna fashilmay Trump inuu wax ka qabto.

Arrimaha ugu waaweyn ee Joe Biden ku dhaqaaqi doono isla marka uu xafiiska la wareego maalmo kadib waxaa ka mida:

Ad

1- Maareynta Cudurka Covid-19 iyo amarro ku saabsan Af-xirashada iyo kulamada dadka badan
2- Laalista xayiraadii uu Trump kusoo rogay dadka kasoo jeeda lix dal oo muslimiin inay tagaan Mareykanka
3- Dib ugu laabashada Heshiiska Paris ee Cimilada Adduunka
4- Dib ugu laabashada Mareykanka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)
5- Ogolaanshaha caruurta sharci darrada ku gashay Mareykanka inay sii joogaan dalkaasi
Iyo Amarro kale.

Soomaali badan oo loo qaadi lahaa Mareykanka muddo afar sano ahna u xayirnaa go’aankii Madaxaweynei Trump uga mamnuucday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa fursad u heli doona inay tagaan Mareykanka.

Dadka Soomaalida ayaa waxaa si weyn u saameeyay xayiraadda uu Trump kusoo rogay inay tagaan Mareykanka, siiba Qaxootiga u diyaarka ahaa in la dejiyo Mareykanka, waxayna arrintan war wanaasgan u tahay dad fara badan oo u xayirnaa go’aankii Trump.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON