Wednesday, February 19, 2025

Madaxweynaha cusub ee Iran oo la caleemo saaray xilli ay Israel iyo UK dagaal ugu hanjabeen dalkaasi

Madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Ibrahim Ra’iisi ayaa maanta loo caleemo saaray xilka, kadib doorashadiisii guuleystay doorashadii dhowaan dalkaasi ka dhacday.

Ninkan 60 sano jirka ah oo maanta la wareegaya xilka, ayaa doorashada ku galay inuu yahay qofka ugu fiican ee la dagaallami kara musuqmaasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan ay wajahday intii uu xukunka hayay madaxweynihii isaga ka horreeyay Xassan Rouhani.

Madaxweynaha cusub ee Iran ayaa xilka la wareegay xilli dalkaasi wajahayo eedeyn ah in Iran ay weerar ku qaaday Markab ay shirkad Isra’el ah maamusho meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, iyadoo Isra’el ay ku hanjabay inay weerareyso Iran, isla markaana ra’iisal wasaaraha UK uu sheegay in Iiraan tallaabo laga qaadayo.

Ad

Wuxuu hore u ahaa madaxa waaxda garsoorka, wuxuuna qabaa aragtiyo siyaasadeed oo xagjir ah. Dad badan oo reer Iiraan ah iyo kuwo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya doorkii uu ku lahaa dilkii sanadihii 1980-meeyadii lagu fuliyay maxaabiis siyaasadeed.

Madaxweynaha la doortay ee Iran waxaa Mareykanku hore u saaray cunaqabateyn, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudbay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dil maxaabiis siyaasadeed tobaneeyo sano kahor.

Wuxuu hore ugu guuldarreystay doorashada madaxweynaha oo uu uga guuleystay madaxweynaha xilka ka degaya ee Hassan Rouhani, isagoo sanadkan 2021 ku guuleystay xilkan.

- Advertisement -

Ibrahim Raisi, wuxuu 1960 ku dhashay magaalada Mash-had ee dalka iran, waa siyaasi diineed iyo muxaafid. Wuxuuna ku soo biiray Garsoorka 1980, isgoo kasoo qabtay xilka xeer ilaaliyaha guud ilaa 1994.

Waxaa isla sanadkaas loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud, sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku-xigeenka 1aad ee hey’ada cadaalada, taasi oo uu hayey muddo 10 sano ah, kadib hogaamiyaha sare ayaa u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadkii 2019.

Doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2017 ayuu ka galay kaalinta labaad, iyagoo uu kaga guuleystay madaxweynaha hadda xilka ka degaya ee Hassan Rouhani.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON