Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha wasiirada maamulkii xukuumadii Xaaf.
Shirka oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa looga hadlay xaalada Galmudug iyo tallaabooyinka xilligan loo baahanyahay in la qaado si xal loogu helo xaaladaha Amniga iyo dib u heshiisiina Galmudug lagu hormariyo maamulka Galmudug.
Wasiiradii kulankan ka qeyb gaay ayaa xilligan howlgab ah oo uu hore xilka uga qaaday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana ka maqnaa wasiiradii kasoo jeeday dhinaca Ahlu suna.
Kulankan ayaa ka danbeeyay kulan kale oo wasiirada Galmudug uu la yeeshay Madaxweynaga Galmudug ee Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir.



