Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa digniintii ugu cusleyd abid u jeediyey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo xiisad weyn ay kala dhaxeyso, wuxuuna farriin toos ah u mariyey hawada.
Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu xusay Inqilaabkii Milateri ee Turkiga ka dhacay 1980-kii ayuu Madaxweynaha Turkiga sheegay inay ku haboon tahay madaxweynaha Faranasiiska inuu faraha kala baxo arrimaha Turkiga oo aanu dhibaato ku noqon dalkiisa.
“Mudane Macron dhibaatooyin badan ayaa na kala qabsan doona shaqsi ahaan.. waxba kama ogid taariikhda, waxaan xitaa jaahil ka tahay taariikhda Faransiiska.. waxaa kuu fiican inaad faraha kala baxdo arrimaha Turkiga iyo shacabka dalkan..” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo si cad u shaaciyey waxa uu Faransiisku ka sameeyay dalalkii uu gumeystay.
“Taariikhda Afrika ayaa taariikh u ah Faransiiska.. Waxaad tihiin kuwii Hal Milyan oo ruux ku dilay Algeria, waxaad 800-kun qof ku disheen Rwanda, suuragal maaha inaad na siisaan casharo ku saabsan xuquuqda Insaanka.. Annaga ma jirto wax dhibaato ah oo aan Afrika ka geysanay, waxaan halkaas u joognaa taageeradooda iyo gargaarkooda..” ayaa ka mid ahaa hadalladii kululaa ee Madaxeynaha Turkiga u jeediyey dhiggiisa Faransiiska.
Madaxweyne Erdogan wuxuu ku eedeeyay Faransiiska inuu doonayo inuu Liibiya u qabsado Shidaalkeeda dartiis, sidoo kaleba dalalka kale ee Afrika u faragelinayo sidii uu uga qaadan lahaa Dahab, Dheeman iyo Macdan.
Xaaladda ka taagan Turkiga iyo Giriiga ayuu sheegay Madaxweynaha Turkiga in Giriiga ay kula dhaqmayaan derisnimo, isagoo uga digay inay isku dayaan inay caddaawad kala hor yimaadaan dalkiisa iyo inay tallaabo khaldan ku dhaqaaqaan.
Faransiiska ayaa si weyn uga horjeeda Turkiga, waxayna si weyn isugu hayaan Syria oo Turkiga ku guuleystay, Liibiya oo Turkiga fashiliyey qorshihii Faransiiska, iyo xiisadda Giriiga iyo Turkiga oo hadda Faransiiska uu sii shidayo si uu ciriiri u geliyo Turkiga.