Thursday, April 24, 2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo War kasoo saartay Xadgudubka lagu hayo Diinta Islaamka & Nebiga NNKH

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa War ka soo saartay War ay ku sheegtay inay ka xun tahay xadgudubka iyo caqiidada iyo muqadasaadka Dadka Muslimiinta ah ee u ugu horeeyo Nabi Muxamamed SCW.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya oo aan lagu magacaabin Faransiiska iyo Madaxweynaha dalkaasi ootaageeray aflgadaada loo geysto Nebiga, sidoo kalena laguma sooqaadin cidda falkaasi ku kacday.

Dalalka islaamka ayaa intooda badan cambaareeyay hadallada kasoo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, qaarkoodna waxay u yeereen safiirada Faransiiska oo akhtako u gudbiyeen, halka dadweynaha Muslimiinta ay wadaan bannaanbaxyo looga horjeedo Faransiiska.

Ad

HOOS KA AKHRI QORAALKA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

KALA SAARIDDA XORRIYADDA HADALKA IYO KU XADGUDUBKA MUQADASAADKA DIINIGA AHMUQDISHO

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka. Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON