Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed.
Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed, waxaan garoonka Shaatigaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, lahuna faafiyey bara Facebook ee madaxtooyada ayaan lagu soo hadal qaadin soo dhoweynta Lafta-gareen iyo xilkiisa, midna, waxaase lag usheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Dhinaca kale qoraal kooban oo muddo kadib kusoo baxay barta Twitter-ka Madaxtooyada ayaa lagu qoray: “Madaxweyne Hassan Sh. Mohamud oo maanta Baydhabo u tagay xaqiijinta Koofur Galbeed heshiis ah, ayaa halkaas waxaas si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed & mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya daahfurka Shirka Wadatashiga & Dib u Heshiisiinta KGS:”