Friday, March 28, 2025

Madaxtooyada Somalia oo Dabagal ku bilowday Qaabka loo shaqaaleeyo Shaqaalaha Dowladda

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada qorshe ku saabsan in baaris lagu sameeyo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo sidii loo tayeyn lahaa, loobna ogaan lahaa macluumaadkooda saxda ah, kadib weerarkii is-miidaaminta ahaa ay Xarunta Gobolka Banaadir ka fulisay haweeney indhoole ah oo ka mid ahayd madaxda maamulka G/Banaadir.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kulan la yeesahy Guddigga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, kaasoo looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa qaabka shaqaaleynta dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa warbixin ka dhageysatay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Xasan Abshirow oo ka warbixiyey caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo, iyadoo Dr, Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) uu sheegay inay muhiim tahay qorsheyaasha dib u habeynta shaqaalaha rayidka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON