Wednesday, February 19, 2025

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale war kasoo saartay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu danbeeyay karaantiil ugu jiray cudurka Covid-10.

Madaxweynaha ayaa ka baaqsaday xaflado waaweyn oo ka dhacay Muqdisho, iyadoo uu wakiil uga ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka , wuxuuna afhayeenka Madaxtooyada sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay fiican tahay.

Madaxweynuhu ayay shaacisay Madatooyada in Berri laga qaadi doonaa baaritaan lagu ogaanayo xaaladdiisa iyo inuu jiro cudurka Covid19 iyo in kale, si gaar ahna uu shaqadiisa u wato.

Ad

“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha ay wanaagsan tahay, isla markaana aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay, isagoo hore u tallaalnaa” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha C/kariin Cali Kaar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ugu hambalyeeyay xuska sanadguurada 45-aad ee xoriyadda dalka Jabuuti.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON