Wednesday, March 19, 2025

Madaxtooyada Kenya oo baahisay Balanqaad ku saabsan Kiiska Badda oo Madaxweyne Farmaajo siiyey [Akhriso]

Madaxtooyada Kenya ayaa shaacisay in dalalka Somalia iyo Jenya ay isku waafaqeen in caadi laga dhigo xiriirka labada dal iyo Visaha Kenya Soomaalida lagu siiyo marka ay tagaan dalkaasi.

Qoraalka lagu baahiyey website-ka rasmiga ah ee Madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in heshiis labada dowladood uu ka danbeeyay kulan labada madaxweyn ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta dhex maray kadib shirkii Nairobi ku soo dhammaaday ee ICPD25 summit.

Labada hoggaamiyey isla gaaray in lasii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal si ay dan ugu jirto labada dal, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu ku bogaadiyey dhiggiisa dalka Kenya kaalinta Kenya uga jirto howgalka AMISOM iyo soo dhoweynta qaxooria Soomaalida.

“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu caddeeyay kalsoonida uu ku qabo khilaafka Xuduudka Badda ee dalkiisa iyo Kenya oo hadda horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ in lagu xalin doono si labada dal ay wada ogol yihiin..” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Kenya.

Ad

Warka madaxtooyada Kenya ayaa ka danbeeyay war kan la mida oo ay faafisay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya uu Kenya u muujiyey xal labada dhinac raali ka yihiin oo laga gaaro dacwadda Badda.

Waxaa muuqata in madaxweynaha Soomaaliya uu balanqaad afka ah siiyey Madaxda Kenya, taasoo aan ka mid ahayn heshiiskii la shaaciyey shalay, kadib kulan saacado qaatay oo dhex maray labada madaxweyne.

Warka Madaxtooyada Kenya Halkan ka akhriso

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON