Monday, February 10, 2025

Madaxtooyada Congo oo War kasoo saartay socdaalka Farmaajo iyo Dalka Qatar oo ku lug yeeshay… (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada dalka Congo DR ayaa looga hadlay safarka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ku tegay xalay magaalada Kinshasa ee caasimadda Dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Congo oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ayaa saaka qaabilay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalkaasi.

“Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu doonayaa inuu wadahadal la yeesho madaxweynaha iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, gaar ahaan arrimaha Gobola ka taagan. Waxaa garoonka diyaaradaha ee N’djili ku soo dhoweeyay Wasiirka Arimaha Dibada ee DRC Marie Tumba Nzeza. Mohamed Farmaajo wuxuu u yimid inuu si fool ka fool ah ula kulmo Guddoomiyaha xilligan ee AU Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo.. Wuxuu ahaa codsi ka yimid madaxtooyada Soomaaliya in booqashadan shaqo loo abaabulo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay goor dhoweyd Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ad

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Maxamed Farmaajo uu doonayo heshiis la dhex dhigo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo labada dal uu xiriirkooda xumaaday markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.

Madaxweynaha Congo ayaa aakhirkii Bishii Maarso booqday dalka Qatar, halkaasoo uu wadahadal kula yeeshay Amiirka dalkaasi, ayna kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah, iyadoo dalka Qatar lala xiririinayo dhexdhexaadinta Farmajo iyo Uhuru Kenyatta inay u xil saartay madaxweynaha Congo.

Farmaajo oo cadaadis xoog leh ka heysto dalalka reer Galbeedka oo ka hor yimid kororsigiisa ayaa baahi weyn u qabo taageero caalami ah, wuxuuna u soo wareegay dalalka Afrika iyo deriskii ay hore u kala tageen si ay ugu taageereen inuu xafiiska sii fadhiyo ilaa 2023.

- Advertisement -

Hore wuxuu isugu dayey inuu taageero uga helo muddo kororsiga labada sano ee uu sameystay dalalka Russia iyo China, arrintaas oo Soomaaliya gelin karta arrin mugdi ah.

May be an image of one or more people, people standing and people sitting
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON