Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa saaka xilli hore weerar culus ku qaaday Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin, iyadoo dilay dad fara badan oo ay ku jiraan saddex ka mida saraakiil ka mida hoggaamiyeyaasha ururka Jihaad Al-islaami ee reer Falastiin.
Weerarka oo ahaa mid lama filaan ah ayaa lagu beegsaday saddex dhismen ku yaalla magaalooyinka Gaza iyo Rafah, waxayna duqeyntu dhacday xilliyo isku beegan 2:00 habeenimo kadib saqda dhexe, waxaana dadka kusoo tooseen qaraxyo waaweyn.
War ay soo saartay kooxda Al-Qudus ee ururka Islamic Jihad ayaa lagu sheegay in ay baroordiiq u sameynayaan saddexda shahiid ee kala ah: Jihaad Shaker Al-Ghanam oo ahaa xoghayihii ciidamada milateriga, Khaliil Saalax Al-Bahtini oo xubin ka ahaa taliyaha gobolka waqooyi, iyo Daariq Ezz El-Din oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamisa dhaqdhaqaaqa militari ee guutooyinka Al-Qudus ee Daanta Galbeed.
Waxay kooxda Islamic Jihad wacad ku mareen inaysan tacsi u dhigi doonin madaxda laga dilay, balse ay u aargudi doonaan. “Waxaan caddeyneynaa in dhiiga shuhadada uu sii kordhin doono go’aankeena, kamana bixi doono mowqifkeena, iyo iska caabinta”
Sida ay shaacisay Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin waxaa duqeynta diyaaradaha dagaalka Israel ku dhintay 13 muwaadin qof oo ay ka mid yihiin xaasaskii madaxda la dilay iyo saddex caruur ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20 kale.
Madaxda ururka Jihaad Al-islaami ee reer Falastiin ee ay duqeynta ku dishay Israa’iil ayaa kala ah:
Jihad Shaker Ghannam: Waxa uu kasoo jeedaa Qoys qaxooti ah oo ka yimid magaalada Ashdod sanadkii 1948. Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gurigiisa oo ku yaala xaafada Al-Jeneina ee waqooyi bari ee magaalada Rafah, waxaana la dilay isaga iyo xaaskiisa, Ghannam waxa uu ku biiray kooxda Jihaad islaamiga ah xilli hore, isagoo ka tirsanaa Guutada Guutada Al-Qudus oo u xoghaye u ahaa.
Khaliil Saalax Al-Bahtini: Wuxuu ku jiray da’da afartameeyada, wuxuu ahaa sarkaal muhiim u ah Jihaad Al-islaami oo xilal muhiim ah kasoo qabtay ilaa uu ka noqday taliyaha ciidamada guutada Al-Qudus ee gobolka Waqooyi, waxaa lagu dilay weerar Gurigiisa lagu qaaday oo xaafadda Al-Tuffah, ee waqooyi-bari ee magaalada Gaza.
Tariq Ibrahim Ezz El-Din: waa 50 sano jir ah, waa maxbuus ay Israel sii deysay, kadibna u soo masaafurisay magaalada Gaza. Wuxuu ka soo jeedaa magaalada Carraba ee koonfurta Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Wuxuu ku biiray dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga xili hore, waxaana dhawr jeer loo xiray xabsiyada dhaqdhaqaaqiisa,, iyadoo markii ugu danbeysay lagu xukumay xabsi daa’in. Wuxuu ka soo jeedaa magaalada Sheekh Khader Cadnaan, waxayna israa’iil u heysataa inuu yahay hoggaamiye weyn oo isku xira kooxaha Falastiin iyo Islamic Jihad.
Weerarka Yuhuudda ku leysay saddex ka mida madaxda sare ee Ururka Jihaad Al-islaami ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo iska hor imaad ka dhaca Marinka Gaza oo dhex mara kooxaha hubeysan ee Falastiin iyo Israel.

