Madaxda Soomaalida ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ayaa ka tacsiyadeeyay dhalinyaradii lagu dilay qaraxii Xalay ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxda Tacsida dirtay ee murugada la qeybsatay dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskii dadkii la dilay waxaa ka mida:
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud
Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni
Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame
Musharax Daahir Maxamuud Geelle
Musharax C/kariin Xuseen Guuleed
Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Maxamud Filish
Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Axmed
iyo madax kale oo fara badan.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa inta badan ka gaabsada qaraxyada Muqdisho ka dhaca iyo dadka ku dhinta oo marar hore lagu cambaareeyay, isagoo dhinaca kale tacsi u dira madaxda iyo dadka ajnabiga ah, taasoo la sheegay inay ugu wacan tahay inuu u arko fashil amni iyo ballanqaadyo uu hore u sameeyay, kana soo bixi waayey.
Waxaa baraha bulshada qabsatay tacsida shan dhalinyaro ah oo lagu dilay qarixii magaalada Muqdisho, waxayna ahaayeen wiilal qaarkood jaamacado dhigta oo si weyn bulshada uga naxday in goob qura lagu xasuuqay.
