Sunday, April 27, 2025

Madaxda Soomaalida oo ku Midoobay Diidmada Faragelinta Itoobiya iyo Bad kireyntii Muuse Biixi

Dhammaan madaxdii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Soomaalida ayaa si kulul uga hor yimid, una cambaareeyay heshiiskii is-afgaradka (MOU) ee ay kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland.

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya Bada Cad laga siiyo Marin xeebeed, dhul gaaraya 20KM Saldhig ciidamada Bad Itoobiya muddo 50 sano ah, taasoo bedelkeed ay Itoobiya noqon doonto dalka ugu horeeya ee aqoonsada gooni isu taagga Somaliland.

Madaxdii hore ee arrintan ku tilmaantay sharci darro, ugana digtay Itoobiya farageiinta Qaranimada Soomaaliya waxaa ka mida: Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ad

Waxaa kaloo tallaabada Itoobiya ku dooneyso inay ku kireysato Dhul iyo Bad Soomaaliyeed ka hor yimid Ra’iisal wasaareyaashii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble oo si cad u sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya.

Siyaasiyiin badan, xildhibaanno, Aqoonyahanno iyo Mas’uuliyiin kala duwan ayaa Baraha Bulshada kusoo bandhigay fekirkooda, waxayna ku baaqeen in laga hortago daandaansiga Itoobiya, xiriirkana loo jaro.

Arrintan ayaa noqotay jawaab celin mideysay Soomaalida, iyo falkii ugu weynaa ee ay ku midoobeen dadka Soomaalida, waxaana Baraha bulshada ka dhashay kacdoon aan hore loo arag oo ka dhan ah Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa War ay degdeg u soo saareen ku cambaareeyay Itoobiya, iyagoo ku baaqay in dagaal jihaad ah looga hortago dhul balaarsiga caddowga Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON