Madaxa kala duwan ee Soomaalida ayaa iyagoon u kala harin tacsi u diray qoyska boqoradii Ingiriiska Queen Elizabeth II oo shalay geeriyootay iyadoo 96 sano jir ah, waxayna u sameeyeen baroordiiq kala heer ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horeeyay madaxda dirtay tacsidayaa bartiisa twitterkauga hadlay geerida boqoraddii dalkaas Queen Elizabeth II.
“Aniga iyo qarankaykuba waxaanu tacsi u diraynaa xukuumadda, shacabka iyo qoyska boqortooyada UK, annaga oo ka tacsiyadaynayna, geerida ku timi Queen Elizabeth II. Boqoraddu waxay qarankeeda iyo shacabkeedaba ku meteshay, gudaha dalkeeda iyo masraxyada caalamkaba sharaf iyo karaamo intii ay xukunka [boqortooyada] haysay” ayaa lagu yidhi qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna farriintiisa tacsida ku qoray: “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan tacsi u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka dalka Ingiriiska geerida, ku timid Boqorada Queen Elizabeth II. Dedaalkeedii ku aaddanaa adeegga arrimaha bulshada iyo hoggaaminteedii aan leexleexadka lahayn, waa tallaabo dhiirigelin doonta jiilasha soo socda”.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isna ku yiri: “Waxay ahayd arrin murugo weyn leh inaan maqalnay geerida Queen Elizabeth II. Aniga oo ku hadlaya magaca guud ahaan qaranka Djibouti, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u diraynaa qoyska boqortooyada, xilligan lagu jiro baroordiiqda, annaga oo sidoo kale tacsi u dirayna shacabka dalka Ingiriiska”.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa madaxda Soomaalida ee farriimaha tacsida iyo baroordiiqda ah u diray Qoyska Reer Boqor ee Ingiriiska.” Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska geeridii ku timid Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II. Dunidu waxay xasuusan doontaa sida ay ugu heellanayd u adeeggida dadkeeda, joogitaanka quruxda badan iyo hoggaaminta joogtada ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisal wasaare Xamza.
Siyaasiga iyo Xildhibaan ka mida Golaha Shacabka oo heysta dhalashada UK, Cabdiraxmaan C/shakuur Warsama ayaa farriin tacsi ah oo uu ogeysiiyey Safaaradda UK ee Muqdisho ku yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Shacabka & Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska geeridii ku timid Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth. Boqoraddu waxay nolosheeda u hibaysay hoggaan adag. Dareenkeygu wuxuu waqtigan adag la jiraa qoyska Boqortooyada, iyo dadka Boqortooyada Ingiriiska”
Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo isna ah Somali-Biritish ayaa tacsidiisa u dhigay: “Aad ayuu uga xumaaday markii aan maqlay geeridii Boqoradda Queen Elizabeth II. Waxay qortay taariikh cajiib ah waxayna ka tagtay dhaxal yaab leh oo lagu xasuusan doono xooggeedii, xasilloonideeda & fadligeeda. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska Boqortooyada & Shacabka UK waqtigaan murugada ee geerida boqoradda”.