Waxaa xarunta Xalane goor dhoweyd shir gaara uga furmay Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Shirkan oo uu hore Farmaajo u diiday, kana hor istaagay inay ka qeb galaan saddexda madaxweyne ee taageersan ayaa maanta si caadi ah u qabsoomay, waxaana looga hadlayaa xaaladda Doorashada, horumarka laga gaaray wadahadallada socda iyo kaalinta Beesha Caalamka ku yeelaneyso.
Waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaana xubnaha Beesha Caalamka ee shirka ku sugan ka mida Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, Wakiilka Q/Midoobay Wakiilada Midowga Yurub, Midwoga Afrika iyo xubno kale.
Madaxda maamul Goboleeyada ayaa isku arka inay sharciyad heystaan, halka Madaxda dowlada Federaalka uu waqtigii ka dhammaaday, una furan tahay oo kaliya inay doorasho qabtaan.



