Friday, May 23, 2025

Madaxda kasoo jeeda K/Galbeed oo kulan gaara ka yeeshay Xaaladda Doorashada Soomaaliya

Madaxda iyo qaar ka mida xildhibaannada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulan qado ah oo gaara ka yeeshay xaaladda doorashada dalka.

Kulankan oo ahaa Qado uu sameeyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed, guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye ku xigeenadii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Masuuliyiintan oo ay ahayd markii ugu horeysay ee kulan noocan oo kale ah isugu yimaadeen ayaa sheegay inay iska xog wareysteen xaalada guud ee dalka iyo arrimaha Doorashada. Madaxda qaarkood ayaa sheegay in kulanki ahaa Qado sharaf iyo kala war qaadasho, mana jirin faahfahain la bixiyey.

Ad

Beelaha Digil & Mirifle ayaa awood qeybsi ahaan si aysan raali ka ahayn loogu qoondeeyay Guddoomiyaha Golaha shacabka, xilkaas oo ay marar hore isku dayeen inay iska wareejiyaan, ayna qaataan Madaxweyne ama Ra’iisal wasaare, taasoo shaqeyn weyday.

May be an image of 2 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 7 people, including Ilyas Ali Hassan and people standing
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON