Friday, December 8, 2023

Madaxda K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle oo Ergo ahaan loogu diray Puntland

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee caawa lagu soo xiray magaalada Baydhaba ayaa Qodobadii kasoo baxay waxaa ka mid noqday in ergo loo diro Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo qaadacay la-shaqeynta Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka” ayaa ka mid ahaa qodobadii kasoo baxay shirka Baydhaba.

Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay qodobadii muhiimka aha ee shirka la filayay inuu go’aanno ka gaaro sida hannaanka Doorashooyinka Federaalka iyo Dowlad Goboledyada iyo Qorshaha Amniga ee heer Federaal.

Ad

Puntalnd ayaa Bishii Janaayo 2023 ku dhawaaqday inay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka, una dhaqmi doono sidii dowlad madax bannaan oo kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON