Friday, March 14, 2025

Madaxda Iiraan oo Aargoosi ugu hanjabay Mareykanka & Trump oo ku goodiyey Duqeyta 52 goobood oo Iran leedahay

Madaxda dalalka Mareykanka iyo Iiraan ayaa is weydaarsaday hanjabaadyo kulul, kadib duqeyntii uu Mareykanku ku dilay taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada Kacaanka Iiraan Gen. Qasim Suleymani.

Taliyaha ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan Xuseen Slaami ayaa sheegay in dilka Jeneraal Qaasim Suleymaani inuu ka danbeyn doono aargoosi keeni doona in Mareykanka laga saaro Gobolka Bariga dhexe oo dhan, wuxuuna xaqiijiyey in jawaabta Iiran bixin doonto aysan shaki lahayn, isagoo Mareykanka ugu baaqay inuu joojiyo farriimaha aan macnaha lahayn ee uu soo dirayo.

Jeneraalada Iiran iyo taliyeyaasha ciidamada dalkaasi waxay shaaciyeen hadallo kala duwan oo ku saabsan in Mareykanka ay ka aargoosan doonaan, isla markaana uu Mareykanku ka shaleyn doono tallaabadii uu ku dilay Gen. Qasim Suleymani, waxaana hanjabaadda Iiraan ay keentay inuu ka jawaabo madaxweyne Trump.

Ad

Qoraal uu twitter-kiisa kusoo qoray ayuu Trump ku sheegay in haddii ay Iiraan isku daydo inay weerarto saldhiyada iyo ciidamada Mareykanka ay jawaab xoog badan ka bixin doonaan Mareykanka, isla markaana ay calaamadeysteen 52 Goobood oo milateri, dhaqan iyo meelo muhiim ah, kuwaasoo Mareykanku burburin doono isla marka ay Iran isku daydo inay weerarto Mareykanka.

Wararka ayaa sheegayai n hanjabaadda Mareykanka ay ka dambeysay markii madaxda dalka Iiran ay diiday waanwaan iyo farriimo uu Mareykanku u mariyey dhinacyo kala duwan, iyadoo ku adkeysatay inay jawaab ka bixin doonto dilkii Jeneraalkeeda.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo meydka Jen. Suleymani maanta la geeyay dalka Iiraan, waxaana bilowday maamuus qaran oo loo sameynayo, markaas kadib ayaa la filayaa in Iiraan ay qaado jawaabteeda oo dunida oo dhan la dhowrayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON