Sunday, May 25, 2025

Madaxda Dowladda & Siyaasiyiin mucaarad ah oo isugu tegay xuska dhalashada Boqoradda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia sida wasiiro, xildhibaanno, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa Magaalada Muqdisho uga wada qeyb galay munaasabada xuska dhalashada Boqorada UK oo 93 sano jirsatay.

Xafladda ayaa ka dhacday Safaarada UK ay ku leedahay Xarunta Taliska Ciidanka Amisom ee Xalane, ayaa halkaasi loogu dabaaldagay 93-sano jirka Boqorada dalka UK Queen Elizabeth.

Madaxda kale ee Somalida ee Xafladaasi ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaaraha, Wasiiro, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Taliyihii hore ee Nabad Suggida Somaliya Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano haysta dhalashada dalka Britain.

Ad

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Ben Fender oo goobta ka hadlay ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday xiriirka Somaliya & dowladda UK, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga Somaliya. Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda UK kaalinta buuxda ee ay la garab taagan tahay dowladda Somaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON