Wednesday, April 23, 2025

Madaxda Dowladda oo Caawa ka qeyb galaya Xaflad Nooc cusub ah oo Lacag lagu ururinayo

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa ay ka socoto xaflad lacag loogu ururinayo ciidamada dowladda.

Xafladan oo uu soo abaabulay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiro iyo madax kale.

Xaflada oo looga dhawaaqay Guddi Qaran oo qaabilsan taakuleynta ciidmada oo lacag Qaaraan ah loogu ururinayo ciidamada dowladda Federaalka si loo buuxinyo mushaarka iyo Gunnooyinka ay qaataan, waxaana balanbqaadyo halkaasi ka jeediyay madax kala duwan.

Ad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goobta uga dhawaaqay in Sanduuqa Qaaraanka ciidamada ay ku shubayaan lacag dhan 8000 Doolar oo ay iska soo ururiyeen guddoomiyeyaahsa Gobolka Banaadir.

Madax kala duwan ayaa ballan qaaday inay Bil waliba lacag ku shubi doonaan Sanduuqa taageerada ciidamada ee dowladda ay sameysay, waxaana goobta ka hadlay madaxda sare ee dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON