Tuesday, February 18, 2025

Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka oo ka qeyb galay Janaasada Marxuumad Khadiijo Diiriye

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirkii Haweenka Xukuumadda Federaalka oo shalay ku geeriyootay Dalka Jabuuti.

Meyda Marxuumadda waxaa Salaadii janaasada lagula tukaday Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markii laga keenay dalka Jabuuti, waxaana ka qeyb galay madaxda dowladda, madaxda mucaaradka, Wasiirada, xildhibaannada iyo qeybaha bulshada.

Madaxda ku sugnaa Salaadii Janaasada waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan madoobe, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Shacanka Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ra’iisul Wasaarahaha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ehelka Marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Ad

Waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar C/rashiid, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madax kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON