Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kasoo safray magaalada Beledweyne, iyadoo ay la socdaan qaar ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waxaa Guddoomiye Cali Jeyte la socday xildhibaanada kala ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo katirsan Golaha Shacabka, waxaana ujeedka loogu yeeray la sheegay inuu la kulmayo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ah hoggaamiye Gobol oo hormuud u ah dagaalka looga horjeedo Alshabaab ayaa hoostaga maamulka Hirshabelle, waxayna wararku sheegayaan in u yeerista Madaxtooyada ay xaalad ka dhex abuureyso Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dagaalka lagala horjeedo Alshabaab oo ka curtay Gobolka Hiiran ayaa weli socda, isagoo ku faafay Gobolka Sh/Dhexe, laakiin waxaa soo baxay arrimo badan oo xalin uga baahan dowladda Federaalka.
