Thursday, October 10, 2024

Madaxda dalalka EAC oo aqbalay Codsiga Somaliya iyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray

Shir madaxeedka madaxda Dalalka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC oo ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi May 31st 2023 ayaa ku ogolaadeen Codsiga Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ku biirto EAC.

Shir-madaxeedka dalalka EAC ayaa faray ururka la bilaabo wada-hadallada ay Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururkaasi, waxaana go’aankaasi soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Ad

Arrintan ayuu ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay faa’iidooyinka laga dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyadoo ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON