Madxa Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell oo socdaal ku maraya Qaaradda Afrika ayaa maanta Muqdisho soo gaaray, isagoo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ayaa war ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheega inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee xasilinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada Alshabaab.
Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Yurub in ay gacan ka geystaan taageerada Soomaaliya, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.
