Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay hoggaamineyso Madaxa Arrimaha Dibadda & Siyaasadda Midowga Yurub
Federika Mogherini, waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Kulan ay xafiiskiisa kula yeelatay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa looga hadlay arrimo quseeya xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga ka dhaxeeya, wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaare Kheyre in Wakiilka Sare ee Arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini ay ka wadahadaleen horumarka howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO



