Friday, May 23, 2025

Madaxa Aamin Ambulance: “Booliska ayaa nagu Amray inaan tegi karin Goobaha Qaraxyada”

Madaxda Hay’adda Aamin Ambulance Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam oo ku sugan dalka UK ayaa xaqiijiyey in Booliska magaalada Muqdisho ayna ku amreen inaysan tegi karin goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay diideen inay siiyaan amarka oo qoraal ah.

Isagoo u waramayey Laanta BBC-da ee ‘Focus on Africa’ ayuu sheegay C/qaadir in amarka ay siiyeen Taliska Booliska. “Ma ogi sababta ay amarka noogu siiyeen inaan u gurmano goobaha qaraxyada ka dhacaan… waxay noo sheegeen in kaliya amarka ah inaan tegi karin goobaha qaraxyada, ayna nagu yiraahdeen inaan tegi karin meelaha qaraxyada ka dhacaan arrimo nabadgelyo darteed…” ayuuna yiri.

Madaxda Aamin Ambulance wuxuu sheegay in amarkaasi aanu ahayn midka ugu danbeeya oo Booliska degmada ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna ka digay haddii sidaasi wax ku socdaan in dad badan dhiig bax u dhiman doonaan, iyadoo aanay jirin ayuu yiri gaadiid gurmad oo Aamin la mida ka a howlgala magaalada.

Ad

Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadam ayaa sheegay in Booliska ay ku doodeen inay ka shaki qabaa in Gaadiid Ambulance ah loo adeegsado qarax, balse ay u sheegeen inay diiwaan geliyaan dhammaan gaadiidkooda.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON