Madax hore, xildhibaano iyo wasiiro deganaa xeydaabka xarunta Madaxtooyadda Somalia ayaa caawa laga jaray adeegyadii asaasiga ahaa sida Koronta iyo Biyaha.
Tallaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii ay dhammaatay muddo labaad oo loogu daray si ay uga guuraan halkaasi, ayna diideen inay ka guuraan Villa Somalia, iyadoo mudadii hore ay dalbadeen inay waqti loo kordhiyo, sida ku cad qoraal kasoo baxay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji [Akhriso Warka].Â
Mas’uuliyiinta degan Madaxtooyada ayaa caawa uga qaxay dhismooyinkoodii Mugdi markii laga jaray korontadii oo ay ka heli jireen Madaxtooyada. Amarka ka guuritaanka madaxtooyada ayaa ku ekaa 22 Ogost, waxaana lagu daray laba toddobaad kale oo maanta ku ekeyd.
Masuuliyiinta degan madaxtooyada waxaa ka mida madax hore xilal u soo qabtay, xildhibaano iyo shaqsiyaad kale, waxaana ka mida:
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise & wasiir hore
Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif & Wasiir hore
C/samad Macalin Maxamuud xildhibaan & Wasiirkii hore
Cabdi Aadan Diiriye: La Taliyaha Raiisul Wasaaraha.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre & Wasiirkii hore
Xaawo Xasan Maxamed: Wasiir hore
Maxamad Xasan Aadan: Wasiir Hore
Cali Xareed: Wasiir hore
Macalin Maxamuud: Hogaamiyaha ruuxiga Ahlusunna.
Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf: Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare
Samiiro Ibraahim Cumar: Xildhibaan ahna Wasiir Ku Xigeen.
Col Axmad Cumar Jees: Sarkaal hore oo Milatari ah.
Sahro Maxamed Cali Samatar: Wasiir Hore.
Maxamad C/laahi: Kaaliyaha Madaxwaynaha
Axmad Caynte: Madaxa ACU (Aid Co-coordinator Unit).