Shirka Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta qaar uga furmay Muqdisho ayaa laga dareemay inay ka maqan yihiin madax hore oo caan ah iyadoo aanay caddeyn qaabka lagu casuumay siyaasiyiinta.
Madaxdii hore ee shirkan ka maqan, kana cudur daartay waxaa ka mida Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inuu ka cudurdaartay arrimo u gaara dartood.
Sidoo kale waxa shirka ka maqnaaday Ra’iisal wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo warar kala duwan kasoo baxeen sababaha ay uga baaqsadeen shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay.
Cabdiweli Sheekh oo ka mida Ra’iisal wasaareyaashii hore ayaa la sheegay inuu shirka uga baaqsaday arrimo caafimaad, inkastoo uu ka mid ahaa saxiixayaashii Bayaankii Nairobi iyo kooxda Sheekh Shariif.
Ra’iisal wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna la xaqiijiyay inuu qabsadeen arrimo safaro iyo howlo u gaara, wuxuuna ka cudurdaartay inuusan kasoo gaari karin xilliga shirka maanta furmay, sida laga soo xigtay Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh.
Qoraal uu madaxweyne Xasna Sheekh soo dhigay bartisa Twitter ayuu ku sheegay inuu maanta shir gudoomiyay shir wadatashi ah oo uu la yeeshay madaxdii hore ee siyaasadda iyo jilayaasha Soomaaliya, isagoo adeegsaday ereyada: ‘Political leaders and actors’.
Wuxuu intaas ku daray inay wada tashadeen jihada mustaqbalka ee dalka, wuxuuna shirka u rajeeyay doodo wanaagsan shirka la isku dhaafsado.
