Sunday, May 25, 2025

Madasha Xisbiyada Qaran oo si kulul u Eedeysay Hay’ada NISA, kana hor timid Warkii Qaraxa Ex. Kontrol… (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Warkii Hay’adda NISa ee ku saabsanaa Qaraxii qasaaraha badan dhaliyey e Ex. Kontrol Afgooye ka dhacay 28-kii Disembar 2019.

Madasha ayaa sheegtay in warkii kasoo baxay Hay’adda NISA uu ahaa war aan wadan wax caddeyn oo lagu qanci karo, una muuqday mid xaqiiqda jirta lagu daboolayo, haddana laga lahaa ujeeddooyin qarsoon oolagu raalli gelinayo daneystayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awooddeed ee ka dhaxeeya wadamada danaha istiraatiijiyadeed ka leh Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya iyo marin habaabinta shacabka.

Warbixinta Madasha Madaxweynayaashii hore hoggaamiyaan waxay sheegtay in Warka kasoo baxay NISA ee ku saabsan in dal shisheeye ka dabeeyay qaraxaasi uu ahaa mid lagu qarinayey Fashilka Hay’adda NISA ee ka hortagid la’aanta Qaraxyadda.

Ad

Waxay ku baaqeen isla xisaabtan iyo umadda laga hor wareejiyo madaxda ku fashilantay amniga, iyagoo shaki geliyey sida loogu kalsoonaan karo Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON