Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor timid qaabkii uu guddoonka Baarlamaanka kalsoonida uga qaaday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.
Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay inay kalsooni kala noqashada xukuumadda u aragto ujeedkeedu yahay carqaladeyn iyo burburin go’aanadii shirkii Dhuusamareeb, looguna gogol xaarayo muddo kororsi aan shacri ahayn.
Madasha ayaa sheegta inay ka xun tahay xilligan oo uu qaqtigu ka dhammaanayo dowladda uu Madaxweynuhu hormuud ka noqdo qalalaase siyaasadeed oo ay adag tahay in la maareeyo.