Sunday, March 23, 2025

Madasha Badbaado Qaran oo Qoraal degdega u dirtay Midowga Afrika. “Farmaajo wuxuu caqabad ku yahay..”

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa qoraal degdega u dirtay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo maanta shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

Qoraalkan oo ku socday safiirka Jabuuti u fadhiga Midowga Afrika iyo magaalada Addis ababa, isa markaana ah guddoonka Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo is-mari waaga ka dhashay Doorashada oo mas’uuliyaddda dusha loo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraalka oo lagu faahfaahiyey kaalinta Midowga Afrika ee xaaladda Soomaaliya waxay Madasha Badbaado Qaran ku caddeysay in dimoqraadiyadda Soomaaliya iyo xukunka si nabad ah la isugu wareejiyo ay halis ku jirto markii madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu caqabado hor dhigay heshiiskii Doorashada, kadibna muddo kororsi ku dhaqaaqay, taasoo halis ah Soomaaliya iyo Gobolka.

Ad

“Hal dhinac; Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday 8-da Febraayo 2021 ayaa ah caqabadda ugu weyn ku hor gudban in la qabto Doorasho xor iyo xalaal ku dhacda. Sidaas darteed waxaan Midowga Afrika ka codsaneynaa inay ka hortagaan arrintan..” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaado qaran u dirtay Midowga Afrika oo saacado laga hor mariyey shirkooda maanta ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON