Madasha Badbaadada Qaran ee ay ku midoobeen Puntland, Jubbaland, Siyaasiyiinta Waqooyiga iyo Midowga Musharixiinta ayaa qoraalkeedii ugu horeeyay u diray dalalka iyo ururrada saameynta ku leh Soomaaliya.
Qoraalka Madasha ayaa loo diray xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, xoghayaha arrimaha dibadda UK, Madaxa arrimaha dibadda Yurub, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Xoghayaha IGAD, Xoghayaha ururka Islaamka iyo xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, wuxuuna ka koobnaa 7 qodob iyo faahfaahin xaaladda dalka.
Warqadda furan ayey Madasha Badbaado Qaran ku eedeeyeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu caqabad ku yahay Doorasho dalka ka dhacda, kuna dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin:
1- Inuu ku fashilmay inuu dalkaku hoggaamiyo Doorasho heshiis lagu yahay.
2- Inuu fashiliyey dadaalladii lagu doonayey Doorasho wadar ogol ah, kana tegay shirkii Dhuusamareeb 4.
3- Inuu shir iskiis isaga dhawaaqay iyadoo beesha caalamka ay wado qabqaabada shirka ka dhacay Afisyoone.
4- Si uu xaaladda dalka qas u sii geliyo wuxuu ciidamo hor leh u daabulay Gobolka Ged, taasoo ka horjeeda heshiiskii guddiyada farsamada ee Baydhaba.
5- Inuu ciidamada dowladda u isticmaalayo danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah halkii ay la dagaalami lahaayeen Alshabaab.
6- Inuu wado qorshe uu doonayo inay ciidamada Haramcad ka howlgalaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
HOOS KA AKHRI QORAALKA