Friday, March 28, 2025

Madaafiic lagu weeraray Saldhig ay dalka Ciraaq ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq oo ay ku wehliyaan ciidamada dalka Ciraaq.

Ilaa 8 Madfac oo nooca Katyusha ah ayaa la sheegay in maanta lagu garaacay saldhigga ciidamada cirka ee Balad, waxaana ku dhaawacmay 4 sarkaal oo ka mida ciidamada cirka dalka Ciraaq sida lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay Milateriga dowladda Ciraaq, oo aan sheegin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa laga soo xigtay inuusan jirin wax qasaare ah oo ciidamadooda kasoo gaaray weerarka maanta lagu qaaday Saldhigga ciidamada cirka ee Balcad, waqooyiga Magaalada Baqdaad.

Ad

Saldhigga Balad ayaa ku yaalla Waqooyiga magaalada Baqdaad, wuxuuna u jiraa 46 mayl, iyadoo weerarkan uu ka mid yahay duqeyn muddooyinkii danbe lagu hayey xarumaha ciidamada Mareykanka degan yihiin iyo aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad iyadoo aanay kooxna sheegan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON