Qaraxyo waaweyn ayaa caawa laga maqlay caasimadda Muqdisho, waxaana la soo weriyay inay ahaayeen Hoobiyayaal lagu weerarray qaar ka mida degmooyinka Muqdisho.
Qaraxyada la maqlay ayaa ka badnaa shan madfac, waxayna qaarkood ku dhaceen degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamarweyne. Hoobiyeyaasha ayaa qaarkood ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Tirada Hoobiyeyaasha ee caawa magaalada Magaalada Muqdisho ku hoobtay ayaa la gaarsiiyay 8 Madfac, waxayna dadka qaarkood sheegayaan inay hoobiyeyaal ku dhaceen Suuqa xoolaha.
Ilaa hadda lama soo sheegin qasaare ay geysteen Hoobiyayaashii badnaa ee caawa ku dhacay xaafadaha Muqdisho, balse saraakiisha dowladda ayaa laga soo xigtay inay ahaayeen qaraxyo macmal ah.