Saturday, April 19, 2025

Macalin Aflagaado u geystay Nebi Muxamed NNKH oo lagu gowracay Magaalada Paris (Sawirro)

Nin dhalinyaro oo Middi ku hubeysnaa, kuna dhawaaqayey ‘Allaahu Akbar’ ayaa dilay Macalin Iskuul oo bandhig u sameeyay sawiro gacmeed lagu aflagaadeynayo Rasuulka SCW.

Macalinka la gowracay oo lagu magacaabo Samuel Paty ayaa la sheegay inuu Dugsiga Dhexe ka dhigi jiray maadada taariikhda, isla markaana uu furay dood ku saabsan sawirrada laga sameeyay Nebi Muxamed NNKH, isagoo Bandhig kusoo bandhigay sawirr gacmeedyo aflagaado ah oo laga sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Wiilka weerarka geysatay oo magaciisa lagu sheegay Aboulakh A ayaa Middi ku weerarray Macalinka degaanka Conflans-Sainte-Honorine ee Magaalada Paris, waxaana uu dhow jeer Toorey la dhacay Macalinka, kadibna uu dhuunta ka gowracay, waxaana ninka weerarka geystay toogasho ku dhaawacay ciidamada Booliska, isagoo markii danbe u geeriyooday dhaawicii.

Ad

Wiilka dilka geystay ayaa da’diisa lagu sheegay 18 sano jira ku dhashay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, xiriirna la lahaa iskuulka, waxayna wararku sheegeen inuu kasoo jeedo Chechnia.

Madaxweynaha Faransiiska Emmaunel Macron ayaa ku eedeeyay weerarka inuu ka danbeeyay xagjir islaami ah, iyadoo dalka Faransiiska uu noqday glob si weyn looga faafiyo naceybka islaamka.

A police source said the scene has been cordoned off and a bomb disposal unit dispatched because of the suspected presence of an explosive vest
French police officers were seen standing guard and holding firearms at the end of the street where earlier a teenager suspected of beheading a middle school history teacher was shot dead after refusing to surrender
Samuel Paty was school teacher who had enraged parents by displaying cartoons of the Prophet Mohammed to pupils
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON