Saturday, March 15, 2025

Macalimiinta Jaamacadda Umadda oo shaqo joojin ku dhaqaaqay [Dhageyso sababta]

Qaar ka mida Macalimiinta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee dowladda Soomaaliya ay hoos tagto ayaa maanta dhigay Banaanbax ay ku dalbanaayeen mushaar ka maqan.

Macaliimiinta jaamacadda umadda ayaa joojiyay shaqadii iyadoo maanta aan la qaadan wax casharro ah, taasoo ay ugu wacan tahay inaysan helin Mushaarkoodii muddo 6 bilood ah.

Prof. Ciise Maxamuud Xalane oo ka mida barayaasha Jaamacadda ayaa sheegay in shaqo joojintooda ay socon doonto in dalabkooda la fuliyo, ayna helayaan xuquuqdooda.

Ad

Lama oga sababta ay macalimiinta jaamacadda u heli waayeen mushaarka iyo inuu ku maqan yahay maamulka Jaamacadda, iyadoo xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay mar waliba sheegto inay bixiso mushaarka shaqaalaha dowladda.

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON